972 Views

Diyaaradaha dagaalka Israa’iil oo xaley duqeymo culus u geystay Magaalada Qaza

Diyaaradaha dagaalka  Israa’iil oo  xaley duqeymo culus u geystay Magaalada Qaza
____________________________________________________________________________

May 17 2021

Dagaalka u dhexeeyay Israa’iil iyo Falastiin ayaa galay toddobaadkii labaad xilli xaaladda ay kasii dareyso.

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa xaley duqeymo culus ka geystay Qaza.

Militeriga Israa’iil waxay sheegeen inay beegsadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Falastiin balse weriyeyaasha ayaa kusoo warramayaa in guryo, waddooyin iyo xargihii korontada uu burbur soo gaaray.

Dhanka kale, Xamaas ayaa weli sii waddaa gantaallada ay ku garaaceyso koonfurta Israa’iil.

Saraakiisha ku sugan marinka Qaza ayaa sheegay in 200 qof oo Falastiini ah lagu dilay dagaalka kuwaas badankooda yihiin Israa’iil.

Halka Israa’iil ay dagaallada kaga dhinteen 10 qof.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa shaley sheegay in xukuumaddiisa ay sii xooggan uga jawaabi doonto gantaallada Xamaas tan iyo inta amniga dib looga soo celinayo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post