750 Views

TPLF waxay haween ku kufsadeen gobolka Amhara – Amnesty

TPLF waxay haween ku kufsadeen gobolka Amhara – Amnesty
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 10, 2021

Hay’adda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa dagaal-yahannada Tigray ku eedeysay in bishii August ay kufsi, dhac iyo tacaddiyo kula kaceen haween kaddib markii ay la wareegeen magaalo ku taalla gobolka Amhara.

Haween 16 gaaraya oo ku nool magaalada Nifas Mewcha oo ay wareysatay Amnesty ayaa sheegay in iyagoo qori lagu hayo ay kufsadeen ciidamo ka tirsan TPLF.

Ciidamada ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay dhac ka geysteen xarumo caafimaad.

“Waxa ay haweenku noo sheegeen waxay qeexayaan ficillo arxan darro ah oo ay geysteen dagaal-yahannada TPLF lana mid ah dembiyo dagaal, iyo kuwo ka dhan ah bani’aadannimada,” ayay tiri Agnès Callamard, oo ah xoghayaha guud ee Amnesty International.

Dadka tacaddiyada loo geystay ayaa awoodi waayay inay daryeel helaan maaddaama la burburiyay xarumaha caafimaadka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post