951 Views

Axmed Madoobe, Xidig iyo Seeraar oo gaaray Garoowe

Axmed Madoobe, Xidig iyo Seeraar oo gaaray Garoowe
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-24-2020-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa ay Maanta gaareen Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada,waxaana wafdiga Axmed Madooobe kamid ah,Senator Fartaag, Xildhibaan Xidig, Siyaasi Seeraar, Siyaasi Ciid Badel Iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Jubaland.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxweynaha Puntland ayaa kulan gaar ah waxaa ay ku yeelan doonaan Magaalada Garoowe, iyaga oo kulankooda uga hadli doona Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada soo socota iyo qodobada shirkii Dhuusamareeb oo aysan ka qeyb-gelin.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland in kulamo wadatashi ah la qaadan doonaan Siyaasiyiinta kala duwan ee ku sugan Garoowe, oo ay kamid yihiin Madaxweynayaashii hore ee Puntland iyo Senetaro heer Federaal ah.

Labada madaxweyne Dowlad Goboleed ee Jubbaland & Puntland ayaa waxaa ay dhowr jeer oo hore kasoo horjeesteen Go’aano kasoo baxay Dowladda Soomaaliya, waxaana ay mudeysan yihiin diidmada go’aanada ay qaadato Villa Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _____________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post