909 Views

Beesha caalamka oo caawa uga digtay Dowlada Somaliya in ay dhibaato ka abuurto Banaanbaxa Bari..

Beesha caalamka oo caawa uga digtay  Dowlada Somaliya in ay dhibaato ka abuurto Banaanbaxa Bari..
____________________________________________________________________________

Feb: 18/2/2021

 Beesha caalamka gaar ahaan dowladda Mareykanka iyo wakiilo ka tirsan Beesha Caalamka ayaa uga digay caawa    dowladda Soomaaliya in ay faro-gelin ku sameyso banaan-baxa beri ka dhacaya magaalada Muqdisho, kaas oo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya caawa in madaxda dowladda looga digay in ciidanka Qaranka ay u adeegsadaan joojinta banaan-baxaas, talaabadaas oo ay ka imaan karto isku dhacyo uu dhiig ku daato. 

“Dastuurka ayaa u ogol in dareenkooda cabiraan shacabka waxaan ka digaynaa in rasaas loo adeegsado si loo joojiyo banaanbaxa, arintaan waxay ka hor imaaneysaa dastuurka iyo dimuqraadiyada,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo loo diray madaxda dowladda Soomaaliya, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale arintaan ayaa ku soo aadaysa Xili caawa magaalada Muqdisho ay tahay mid xaaladeeda kacsan tahay.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post