1563 Views

Xoghayaha difaaca Mareykanka Jim Mattis oo Iscasiley

Xoghayaha difaaca Mareykanka Jim Mattis oo Iscasiley
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 21, 2018 –Xoghayaha difaaca Mareykanka Jim Mattis ayaa sheegay inuu shaqada ka tagayo bisha February.

Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Tweeter-ka soo dhigey inuu howl-gab noqonayo Gen. Mattis bisha February ee sanadka dhalanaya.

Balse Gen. Mattis ayaa qoraal uu soo saarey ku sheegay inuu shaqada uga tagayo ka dib markii ay isku aragti noqon waayeen Madaxweynaha, Arrintan waxa ay ku soo beegmeysaa xili la isku mari la’yahay miisaaniyadda dowladda.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa wajahaya Caddaadis xooggan oo kaga imaanaya xildhibaanada Mareykanka,taasoo ka dhalatay Markii uu sheegay in ciidanka Mareykanka ay kasoo bixi doonaan gudaha Suuriya.

 

 

.Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment