Muqdisho | QOL | January 09, 2019 —Dallada Bulshadda Rayidka ee SONSA oo horay loo oran jiray SOSCENSA kuna mideysanyihiin Ururada Bulshada Rayidka, Ganacsatada iyo Xirfadleyda, waxa ay u hambalyayneysaa hogaanka cusub oo loo doortay maamul gobaleedka Puntland Mudane Saciid Cabdulaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cisman (Karaash)
Dallada waxa ay bogaadinaysaa dadka reer Puntland oo si nabdoon u doortay hogaan cusub, sidoo kale ammaan gaar ah u direysaa guddigii doorashooyinka oo si habsami ah u daadihinayay doorashada.
Dallada Bulshadda Rayidka ee SONSA waxa ay Madaxweynaha cusub iyo kuxigeenkiisa kula talinaysaa in ay qayb weyn ka qaataan isbedel siyaasadeed oo ay ku badbaado qaranimada, karaamada iyo sharafta qaranka soomaaliyeed, iyada oo ku adkeynaysa in ay udub dhexaad u noqdaan xal u helida siyaasadaha cakiran ee dalka xiligaan ku jiro, gaar ahaan khilaafka maamul gobaleedyada iyo Dowlada Federaalka.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________