1053 Views

Qasaaraha ka dhashay Qarax xoogan oo ka dhacay maqaaxi lagu shaaho oo ku taalla isgoyska Jubba

Qasaaraha ka dhashay Qarax xoogan oo  ka dhacay maqaaxi lagu shaaho oo ku taalla isgoyska Jubba
____________________________________________________________________________

Jimco: Julay 2, 2021

Warar dheraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax xoogan oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan maqaaxi lagu shaaho oo ku taalla isgoyska Jubba ee u dhaxeeya degmooyinka Boondheere iyo Shangaani.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Qaraxa uu  fuliyay qof xiran suunka qaraxa loo adeegsado, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa dad badan, maadama ay aheyd maqaayad ku taalla isgoys mashquul badan, sida ay dad goobjoog ah u sheegen Caasimada Online.

Sidoo kale Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, waxayna xireen isku socodkii isgoyska, ayaga oo halkaas ka bilaabay baaris horudhac ah oo la xiriirta qaraxa.

Ku dhawaad 15 qof ayaa ku dhimatay dad intaas ka badana waa ku dhawacmeen sida ay sheegeen dad goobta joogay markii uu Qarax dhacay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post