1248 Views

Askari labo ruux ku dhaawacay Muqdisho

Askari labo ruux ku dhaawacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 06, 2019—Inta la xaqiijiyay Laba ruux ayaa dhaawacantay, kadib markii Askari saarnaa Mooto Bajaaj uu xabad ku dhuftay wiil kale oo watay Mooto Bajaaj, xabadii wiilkaasi ku dhacday ayaa ka dhex baxday, waxayna sii dhaawacday Nin watay Gaari Dameer goobta Maraayay.

 

Goobjoogayaal ayaa Qaranimo online u sheegay in Sababta askariga wiilka Bajaajlaha uu xabada ugu dhuftay ay aheyd ka markii Biyo Wasaq ah oo Taayarka Mootada ay ku firdhisay askariga, taasina uu ka xanaaqay askariga.

Falkaan ayaa ka dhacay iskuulka Dhagaxtuur wadada ka dagata Isgoyska Dabka ee aada dhanka Isgoyska Bakaaraha.

 

Ciidanka Booliska ayaa soo gaaray goobta , waxaana ay halkaasi ka qaadeen labadii ruux ee dhaawaca ahaa.

 

Waddaha Mootadda ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus, waxaana la sheegay in goobta ka baxsaday Askarigii dadkaasi dhaawacay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment