1071 Views

Golaha Ammaanka Q/Midoobay oo kulan deg deg ah caawa ka yeelanaya xaalada somaliya ..

Golaha Ammaanka Q/Midoobay oo kulan deg deg ah caawa ka yeelanaya xaalada somaliya ..
____________________________________________________________________________

February 22, 2021

 Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay ayaa kulan deg deg ah yeelanya caawa maqribkii (Xiliga Muqdisho) iyadoo kulanku uu ku saabsan yahay qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, doorashooyinka ilaa baahiyaha bani’aadam-nimada.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa kulankaas ka jeedin doona warbixin ku saabsan xaa;ada Somalia

Maalmo ka hor Xoghayaha Guud ee QM wuxuu walaac xoogan ka muujiyey rabshadaha ka dillaacay magaalada Muqdisho. wuxuuna ugu baaqayaa dhinacyada oo dhan inay is xakameeyaan ayna is dejiyaan.

about:blank Antonio Guatress ayaa ku booriyey dowlada Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka inay si deg deg ah kulan isugu yimaadaan oo ay dhameystiraan heshiis siyaasadeed oo ku saabsan sidii hore loogu socon laha doorashooyinka qaran, iyadoo la waafajinayo heshiiskii doorashada ee 17ka Sebtembar.

Xoghayaha Guud wuxuu kaloo ku baaqay in si buuxda loo ixtiraamo xuquuqda isu imaatinka nabadda ah iyo xorriyadda hadalka

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post