999 Views

Safaaradda Soomaaliya ee Koofur Afrika oo loo xiray fiditaanka Cudurka Covid-19

Safaaradda Soomaaliya ee Koofur Afrika  oo loo xiray fiditaanka Cudurka Covid-19
____________________________________________________________________________

Isniin: July 26 2021

Safiir ku xigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Koofur Afrika, ahna laliyaha koowaad Safaaradda Mudane Cabdalla Cali oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay Safaaradda hakin doonto howlaheeda ay u heysay muwaadiniinteeda.

Mudane Cabdalla Cali Safiir ku xigeen Safaaradda Soomaaliya ee Koofur Afrika, ayaa sheegay inuu heer sare marayo faafitaanka Cudurka Covid-19 sidaas darted ay Safaaraddu xirnaan doono 14 cisho.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayuu kula dardaarmay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah maadama uu cudurka badanayo faafitaankiisa.

Sidoo kale Dalka Koofur Afrika ayaa waxaa si maalinle ah ugu geeriyooda dad Cudurka Covid19, iyadoo uu khudbad uu jeediyey xalay Madaxweynaha dalkaasi ayaa sheegay in uu dalkiisa dhawaan bilaabay tallaalka cudurkan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post