846 Views

Qaxootiga ka soo Cararay Colaada dalka Yemen oo soo gaaray Dekadda magaalada Boosaaso

Qaxootiga ka soo Cararay Colaada  dalka Yemen oo soo gaaray Dekadda  magaalada Boosaaso
____________________________________________________________________________

 February  26, /2/ 2021

Qaxooti ka kooban Soomaali iyo Yemenyihiin, oo ka soo cararay colaadda ka aloosan waddanka Yemen, ayaa  soo gaaray maalmihii la soo dhaafay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha, ayaa Boosaaso ku qaabilay doonnida siday Qaxootigaas oo gaaraya 164 Qoys, kuwaas oo u badan Haween iyo Carruur, sida lagu sheegay Qoraaal ka soo baxay Wasaaradda.

Sidoo kale Qaxootiga ka soo carara dalka Yemen, oo isu’gu jira Soomaali iyo Yemeniyiin, ayaa lagu diiwaan-geliya xarun qaabilsan Qaxootiga oo ku taalla gudaha Boosaaso, ka hor inta aan dib u dejin loo samayn.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post