1332 Views

Jabhadda mucaaradka Oromiya oo sheegtay inay dowaladda kala wareegeen magaalooyiin

Jabhadda mucaaradka Oromiya oo sheegtay inay dowaladda kala wareegeen magaalooyiin
____________________________________________________________________________

Isniin: November 1, 2021

Hogaamiyaha jabhadda xoreynta Oromiya ee loo soo gaabiyo OLA ayaa BBC u sheegay in dagaalyahanadiisa mucaaradka ay qabsadeen dhowr magaalo oo ku taalla galbeedka iyo bartamaha gobolka Oromada.

Jaal Marroo ayaa sheegay in dagaalyahanadiisa ay iska caabin yar kala kulmeen ciidamada dowladda.

Mr Marroo ayaa intaa ku daray in ciidamadiisa ay dhawaan ka barbar dagaalami doonaan kuwa xoogagga TPLF.

Ilaa iyo imika saraakiisha dowladda Itoobiya kama aysan jawaabin codsiga BBC ee ahaa jawaabta ay ka bixinayaan sheegashada jabhadda OLA.

Ma jirto cid ka madaxbanaan hogaamiyaha jabhadan oo xaqiijin karta sheegashadiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post