3120 Views

Mareykanka oo ku biiray Howlgalka ee ka dhanka ah Al-shabaab…

Mareykanka oo ku biiray Howlgalka ee ka dhanka ah Al-shabaab…
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 22, 2016: War- bixinno oo kasoo baxaya Magaalo xebeedka Kismayo ayaa sheegaya in Ciidamadda Hoowlagalka Gaarka ah ee Mareekanka iyo cutubyo katisan Ciidamadda Doowladda Soomalia ay Deegaanka Baarxaano ee Gobolka Jubadda Hoose ku Beegsadeen Dagaalamaaysha Al-shabaab.

Warbaahinta  Sofrep oo Soo xiganeeysa Illo Wareedyo Millitry iyo Sawirro ay Qaadeen Wariyeyaal Maxalli ah ayaa Qortay in Ciidamadda Mreeykanku ay Kaqeeyb Qaateen Weerar Lagu Qaaday Beerxaano Ismarkaana ay halkaas ku Xireen Dhoowr Ruux oo loo ga Shakiyay in ay Xiriir laleeyihiin Xarakadda Al-shabaab, Sidoo kale  Sidoo kale Ciidamadda Maamulka Jubbland oo Howlgal qeeyb ka ahaa ayaa lasheegay in ay dab qabadsiiyeen Afar guri.

Waxa kaliya ee laga Ogyahay Hoowlagalka Lugta ah ee Al-shabaab ;agula Dagaalamayo ayaa ah in Ciidamadaasi ay ka Tirsanyihiin Taliska loo soo gaabiyo SOCAFRICOM, ama Taliska Kale ee JSOC, ayna ciidmadaas qeeybo kamid ah ay ku suganyihiin Soomaliya.

Ciidamadda Gaarka ah ee Mareeykanku waxaa Soomaliya ugu Hoowlgalijireen ayaga oo adeegsanaya diyaarado Millitry oo ay ku weeraraan xarumaha ay ku suganyihiin masuuliyiin sare ee Al-shabaab, hase ahaatee hoowl-galkaan lugta ah ayaa ka dhigan in Mareeykanku uu kordhiyay hoowlgalkiisa la dagaalanka argagixisada ee ku sugan gobollada Somalia.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment