921 Views

Goobo Ganacsi oo Koonfur Afrika lagu boobay & cabsi heysata Soomaalida

Goobo Ganacsi oo Koonfur Afrika lagu boobay & cabsi heysata Soomaalida
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 22 2020–Kooxaha Burcad Badeedak Koonfur Afrikanka ah ayaa waxaa weli ay gudaha dalkaasi ka wadaan boob loo geysanayo goobaha Ganacsi oo ay leeyihiin dadka ajaanibta ah oo ay Soomaalida ku jiraan.

Ilaa Afar Dukaan oo Ajaanib leedahay ayaa lagu bililiqaystay boob ay sameeyeen Dadka deegaanka ee Xaafadda Delft oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika, iyada oo qaatay hanti farabadan.

Mid kamid ah Ganacsatada Soomaalida ee ku nool Koonfur Afrika ayaa xaqiijiyay boobkaas,waxaana uu sheegay in dukaamada la boobay ay lahaayeen dad u dhashay wadanka Bangladesh, hayeeshee ay cabsi soo wajahday Soomaalida.

Ciidamada booliska Koonfur Afrika ayaa maalmahana waxaa ay wadeen burburinta dhismayaal sharci daro ah oo ay qaar ka mida Dadka Xaafadda ka dhisteen goobo aysan Dowladdu ogoleen, taasoo caradii ka dhalatay keentay in dukaamn dhowr ah la boobo.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan lagu dhibaateeyaa dadka ajaanibta ah gaar ahaan Soomaalida, iyada oo loo geysto falal ay kamid yihiin, Dil, dhaawac iyo in la bililiqeysto hantidooda.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post