855 Views

Jubbaland & AMISOM oo ka wada hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Jubbaland & AMISOM oo ka wada hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 1, |  2020—Maxweyne kuxigeenka 1aad ee Dawladd Gobaledka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Maanta la kulmay taliyaha cusub ee Ciidamada AMISOM Jen. George Owinow, kaas oo Manta gaaray Magaalada Kismaayo.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Aqalka Martida Dawladd Gobaledka Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay uga wada hadleen arrimaha ammaanka, ayada oo looga hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa howgallada degaannada Jubbaland looga saari lahaa Al-Shabaab iyo sidii loo adkeyn lahaa nabadgelyada goobaha laga saaaro Al-Shabaab.

Maxweyne kuxigeenka 1aad ee Dawladd Gobaledka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa taliyaha Cusub ee Ciidanka AMISOM oo ay wehlinayeen ku xigeenkiisa iyo taliyeyaasha qeybaha 2 iyo 6-aad (Sector 2 and 6) ee AMISOM ka dalbaday inay yeeshaan wadajir ah si loo adkeeyo amniga degaannada Jubbaland.

Kulanka oo ay muhiimaddiisu ahayd soo dhaweyn iyo isbarasho ayaa taliyaha cusub ee Ciidamada AMISOM Jen. George Owinow waxaa uu balan qaaday inay xoojin doonaan wadashaqeynta iyo xoreynta deegannada Shabaab ay gacanta ku hayaan.

Taliyaha cusub ee Ciidamada AMISOM Jen. George Owinow oo u dhashay dalka burundi ayaa horay waxaa uu kormeer Shaqo ku tegay Magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo, isaga oo saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalooyinkaas kala hadlay dardar gelinta dagaalka ka dhanja ah Al-Shabaab.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post