264 Views

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un oo sheegay in waddankiisu uu doonayo in uu helo ciidanka ugu awoodda badan nukliyeerka

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un oo  sheegay in waddankiisu uu doonayo in uu helo ciidanka ugu awoodda badan nukliyeerka
____________________________________________________________________________

Axad: NOVEMBER 27, 2022

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in waddankiisu uu doonayo in uu helo ciidanka ugu awoodda badan nukliyeerka aduunka, isagoo dallacsiiyay daraasiin ka tirsan saraakiisha milatariga ee ku lug lahaa gantaallada cusub ee loo yaqaano “ballistic”, sida ay Axaddii shaacisay warbaahinta dowladda.

Hadalkan ayaa imanaya ka dib markii Kim uu18-kii bishan kormeeray tijaabada Hwasong-17, oo ah gantaalka ugu weyn ee kuuriyada Waqooyiga Kuuriya ka dhaca, wuxuuna balan qaaday in uu ka hortagi doono waxa uu ugu yeeray khatarta nukliyeerka Mareykanka.

“Hadafka ugu dambeeya ee Kuuriyada Waqooyi waa in ay hantiyaan awoodda istiraatiijiga ah ee ugu awoodda badan adduunka, waana xoogga buuxa ee aan horay loo arag qarnigaan,” ayuu yiri Kim.

Sidoo kale waxa uu intaas ku daray in dhisidda awoodda nukliyeerka dalkaasi ay ilaalin doonto sharafta iyo dowladnimada gobolka iyo dadka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post