363 Views

Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan oo sheegay in hogaamiyaha xisbiga Tehreek-e-Insaf Imran Khan uu qorsheynayo in uu qabsado caasimadda Islamabad

Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan oo  sheegay in hogaamiyaha xisbiga Tehreek-e-Insaf  Imran Khan uu qorsheynayo in uu qabsado caasimadda Islamabad
____________________________________________________________________________

Axad: October 9, 2022

 

Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Rana Sanaullah ayaa sheegay in hogaamiyaha xisbiga Tehreek-e-Insaf ee Pakistan, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Imran Khan uu qorsheynayo in uu qabsado caasimadda Islamabad 12-ka ilaa 17-ka October uuna qas ka sameeyo magaaladan.

Waxaa uu u sheegay TV-ga Geo News TV ee Pakistan in dowladdu ay sameyn doonto dadaal kasta oo suurtagal ah si loo fashiliyo qorshaha Imran Khan iyadoo taageero ka heleysa shacabka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Pakistan ayaa intaa ku daray in sharcigu dadka siinaya in ay si nabad ah ku mudaaharaadaan, balse maxkamadda ayaa sheegtay in aan cidna loo ogolaan doonin in ay shirar siyaasadeed ku qabato aagga cas ee caasimadda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post