936 Views

Wafdi ka socda Dowladda oo Shir uga qeyb-galay Uganda

Wafdi ka socda Dowladda oo Shir uga qeyb-galay Uganda
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka qeyb-galay shirka 47aad ee Wasiirrada shaqada Afrika oo ay soo qabanqaabisay ARLAC,kaas oo lagu qabtay Magaalada Kambala ee dalka Uganda.

Waxaa uu Wasiirka Shirkaasi ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay kor u qaadday dadaallada Shaqada lagu abuurayo iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu yiri “ Waa inaan mudnaanta koowaad siinnaa taakuleynta dadka faqriga la ildaran, anagoo garowsan ahmiyada ay u leedahay taagerada noocan ah nabadda, hodantinimada dhaqaale iyo karaamada aadanaha- Waxaan dhowaan dhaqan galiney Nidaamka daryeelka Bulshada haddana waxaan ku jirnaa wajigii ugu horreeyay ee hirgelintiisa.”

Wasiir Sadiiq ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu kulamo kala duwan la qaato qaar kamid ah Wasiirada dhigiisa ah ee ka qyeb-galay shirka 47aad ee Wasiirrada shaqada Afrika.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment