759 Views

Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 19 2021–Shir looga hadlayay amniga Caasimada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta u furmay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida iyo Maamulka Dhuusamareeb.

Kulanka oo ay goob joog ka yihiinTaliyeyaasha qaybaha Kala duwan ee Ciidanka Federaalka ayaa diirada lagu saarayaa xaaladaha amni ee Dhuusamareeb iyo Deegaanada hoostaga, oo dhowr jeer ay weeraro ka geysteen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Maamulka Degmada Dhuusamareeb iyo Saraakiisha ayaa iska xog wareystay tallaabooyinka amni ee Ciidamadu qaadeen iyo Howlgallada muhiimka ah ee looga fadhiyo in Ciidamadu ay sameeyaan inta lagu gudajiro bisha Barakeeysan ee Ramadaan.

Saraakiisha kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ay balan qaadeen inay dardar gelin doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga saaro degaannada Gobolada Mudug iyo Galgaduud ay kaga sugan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Kulanka looga hadlayay Amniga ee lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Ciidamada dowladda maalmihii la soo dhaafay ay howlgallo ay degaano kula wareegeen ka sameeyeen degaano hoostaga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post