711 Views

Xildhibaan Maareeye oo markale loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacaabka

Xildhibaan Maareeye oo markale loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacaabka
____________________________________________________________________________

Talaado: November 23, 2021

 – Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa markale dib loogu doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, kadib doorasho ka dhacday dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye.

Maareeye ayaa ku soo baxay codad aad u badan, kadib markii uu la tartamay, kana adkaaday musharrax Cabdiraxmaan Warsame Saciid.

Sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee gobollada waqooyi Maareeye ayaa helay 96 cod, halka musharixii la tartamayey uu isna helay 3 cod, sidoo kale waxaa hallaabay saddex cod

Guusha Maareeye ee kursiga HOP#225 ayaa aheyd mid horay loo sii saadaalinayey, maadaama musharaxa la tartamayey uu isagu keensaday, si uu usoo baxo.

Ad by Valueimpression

Doorashada ayaa haatan sii soconeysa, iyada oo la guda-galayo kuraasta xigta ee isla maanta doorashadooda lagu qabanayo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Si kastaba, kuraasta maanta la qabanayo doorashadooda ayaa ka mid ah 9 kursi oo uu horay u shaaciyey guddiga maamulaya doorashada kuraasta Somaliland, waxaana intooda badan ay yihiin kuwo isku ergo ah, sida uu horey u shaaciyey afhayeenka doorashooyinka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post