381 Views

Gaashaan buurta Naatto oo kadigtay in dagaalka yukreeyn uu socon karo sanado.

Gaashaan buurta Naatto oo kadigtay in dagaalka yukreeyn uu socon karo sanado.
____________________________________________________________________________

Axad: June 18, 2022

Gaashaan buurta Naatto ayaa sheegtay in waddamada reer galbeedka ay udiyaar garoobaan sii wadida taageerada millatari ee lasiinayo xukuumadda Yukreeyn, iyagoo sidoo kale kadigay in dagaalka yukreeyn uu qaadan karo sanado sida uu warbaahinta usheegay xoghayaha guud ee gaashaan buurta Naatto kaasi oo lagu magacaabo jeenis istoolberg.

Xoghayaha Naatto ayaa xusay in qiimaha maaliyadeed ee kubaxaya dagaalka yukreeyn uu aad ubadanyahay hasa ahaatee ay muhiimtahay in yukreeyn ay iska difaacdo gulufka millatari ee kaga imaanaya xukuumadda mooskow isaga oo waryesi siinayay warbaahinta jarmalka ayaa waxa uu yiri “waaa inaan udiyaar garownaa xaqiiqda dhabta ah taasi oo ah in dagaalka yukreeyn uu qaadan karo sanado waa inaan joojin taageerada millatari ee yukreyn”

Hadalka xoghayaha gaashaan buurta Naatto ayaa imaanaya iyadoo reysulwasaaraha ingiriiska booris joonsoon uu isna kadigay in dagaalka yukreeyn uu noqon karo mid dabadheeraada kaasi oo qaadan kara waqti badan si loo soo afjaro dagaalka kasocda yukreeyn.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post