1350 Views

Darawal Mooto Bajaaj Oo Lagu Dilay Muqdisho

Darawal Mooto Bajaaj Oo Lagu Dilay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 16, 2019 –War Goordhow IShabakada Qaranimo Online  ka soo gaaray Isgoyska Howlawaag ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi Askari ka tirsanaa Ciidamada dowlada Soomaaliya uu ku dilay Darawal Mooto Bajaajle ahaa.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dilkan uu yimid kadib markii Askariga uu darawalka Mootoolaha uu ka dalbaday in uu qaado,hayeeshee uu diiday,kadibna dhowr xabadood ku ku dhuftay,isla goobtiina uu ku geeriyooday Darawalkii Mooto bajaajlaha ahaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo xiliga dilka u dhacayay ku sugaa meel ku dhow Isgoyska ayaa tegay  goobta,iyagoo halkaasi ka qaaday Meydka Darawalka Mooto Bajaajta waday.

Askariga ka tirsanaa Ciidamada dowlada Soomaaliya ee falkan geystay ayaa waxaa la sheegay in durbo goobta uu ka baxsaday.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa marar qaarkood ka dhaca dilalka loo geysto Darawada wada Mooto Bajaajta,kuwaasi oo inta badan ay u geystaan Askarta ka tirsan Ciidamada dowlada Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment