102 Views

Wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo Dastuurka dowladda FS ayaa soo xirey tababar ku saabsan siyaasadda qiimeynta da’da carruurta.

Wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo Dastuurka dowladda FS ayaa soo xirey tababar ku saabsan siyaasadda qiimeynta da’da carruurta.
____________________________________________________________________________

๐Œ๐จ๐ ๐š๐๐ข๐ฌ๐ก๐ฎ ๐Ÿ๐Ÿ‘ ๐ƒ๐ž๐œ๐ž๐ฆ๐›๐ž๐ซ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ‘:- ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐—๐…๐’ ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐ฆ๐š๐œ๐š๐ฅ๐ข๐ฆ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐š๐š๐›๐ฌ๐š๐ง ๐ช๐ข๐ข๐ฆ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐๐š ๐๐šโ€™๐๐š ๐œ๐š๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฅ๐ข๐ข๐ฌ ๐ก๐ฎ๐›๐ข๐ง๐ž๐ž๐๐ค๐ž๐ž๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐›๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง ๐ฎ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š๐ฒ ๐›๐š๐ก๐ฐ๐š๐๐š๐š๐ ๐ญ๐š ๐ฑ๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐๐š ๐œ๐š๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š.Tababarkaan oo soconayay muddo labo maalin ah oo ay soo qaban qaabisay waaxda Haweenka iyo Xuquuqda Caruurta ee wasaaradda Cadaaladda kana soo qeyb galeen dhammaan Hey’adaha kala duwan ee ku shaqada leh ilaalin Cadaaladda caruurta ee heer federaal oo ujeedkiisa ahaa sidii loo dhaqan galin lahaa leyskana kaashan lahaa dadaalada socda ee ku aadan Arrimaha dhowrista xuquuqda carruurta hey’adaha kaladuwan ee ku shaqada leh xuquuqda caruurta ayaa nasiib u yeeshay in aay helaan tababar heer sare ah oo waxbadan ugu faaideeyn doonaan ka shaqeynta Siyaasadda da’da caruurta iyo xaqiijinta da’da sharciga ah ee caruurta.

Wasiir Xasan Macalin ayaa aad u bogaadiyay hey’adaha kala duwan ee ka soo qeyb galay tababarka asaga oo ku booriyay wadashaqeyn si wanaagsan looga shaqeeya caruurta xuquuqdooda, Daryeelkooda,barbaarintooda iyo ilaalintooda shaqadaas oo ubaahan iskaashi dhab ah hufnaan ,daacadnimo iyo howlkarnimo Wasiirka ayaa si qoto dheer kula dardaarmay howlwadeenada tababarka loo qabtay in dhaqan galinta siyaasadu tahay masuuliyad wadareed oo loo baahan yahay in cidkasta waajib keeda qaadato hirgelinta siyaasadda ee waqtiga badan lasoo galiyay ee la saxiixay taas oo la rabo in si rasmi ah loogu dhaqmo.

_________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadisho, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post