984 Views

Puntland oo Odayaasha Towfiiq kala hadashay xalinta Colaada

Puntland oo Odayaasha Towfiiq kala hadashay xalinta Colaada
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 17, 2019 | QOL |   –Dowlad Goboleedka Puntland ayaa wafdi wasiiro ah waxaa ay u dirtay degmada Towfiiq ee Bariga Gobolka Mudug,halkaas oo dhawaan uu dagaal culus oo khasaaro geystay ku dhex-marey laba maleeshiyo beeleed.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhamanacad oo degmada Towfiiq gaarey ayaa kulan waxaa uu la qaatay Odayaasha & Waxgaradka towfiiq,isaga oo kala hadlay sidii xal looga gaari lahaa dagaal beeleedkaas.

 

 

 

Maleeshiyaadka dagaalamay oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa dagaalkooda waxaa ku geeriyoodey in ka badan 30 Ruux halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

 

Wasiir Dhamanacad ayaa ugu baaqay maleeshiyaadka labada beelood in xiisada ay dejiyaan,sidoo kalena looga baahan yahay Odayasha iyo Waxgaradka labada dhinac inay ka qeyb qaataan sidii xal loo gaari lahaa.

 

Dhawaan ayaa waxaa sidoo kale degmada Towfiiq gaarey Wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayey Taliyaha Ciidamada dhulka Soomaaliya Cabdi Xamiid Maxamed Dirir,iyaga oo ku guuleystay inay xabad joojin dhex-dhigaan labada Beelood.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment