552 Views

Dowlada Kenya oo ka hadashay Dagaalkii gobolka xeebta Lamu Kenya ku qaaday Al-shabaab

Dowlada Kenya oo ka hadashay Dagaalkii gobolka xeebta  Lamu Kenya ku qaaday Al-shabaab
____________________________________________________________________________


Isniin: January 3, 2022

Qsaaraha ka dhashay dagaal shabaab ku qaadeen saakay  xeebta ah  Lamu ee dalka Kenya, ayaa la sheegay in ay soo kordhayso.

Wararka ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 qof ay ku dhimatay Weerarka ay alshabaab ,ku qaadeen deegaankaas saacadihii la soo dhaafay, Xili lagu jiray dabaal daga sanadka Cusub ee 2022.

Weerarkan ayaa sidoo kale lagu gubay guryo, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kenya..

“Waxaan xaqiijinayaa in weerar lagu tuhmayo Al-Shabaab lagu soo qaaday halka loo yaqaano Widhuu, waxaana ku dhintay lix qof. Mid waa la toogtay, sidoo kale waxaa la gubay kuwa kale” ayuu yiri Guddoomiyaha Lamu Irungu Macharia.

“Ciidamadeenna amniga ayaa ku daba jira, waxaana ka codsaneynaa dadka deegaanka in ay gacan nagu siiyaan, waayo marka aan wada shaqeyno waan guuleysaneynaa” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro waaweyn ka geystay gudaha dalka Kenya, iyagoo sida ay sheegeen uga aargudanaya ciidamada Kenya ay u soo dirtay gudaha Soomaaliya sanadkii 2011-kii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post