924 Views

Wafdi ka socda Koonfur galbeed Galmudug Puntland iyo Hirshabelle oo ku wajahan Magaalada Garbahaareey

Wafdi ka socda Koonfur galbeed Galmudug Puntland iyo Hirshabelle  oo ku wajahan Magaalada Garbahaareey
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 14, 2021

Magaalada Garbahaareey ee gobolka gedo waxaa maanta lagu wadaa in ay gaaraan wafdiga wasiirada ahaa ee ka imaanayay maamulada kala ah Koonfur galbeed Soomaaliya Galmudug Puntland iyo Hirshabelle kuwaasi oo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya uu magacaabay in ay ka bilaabaan magaaladaasi dib u heshiisiin la iskugu keenayo waxgaradka iyo indheer-garadka ku nool Garbahaareey.

Dib u heshiisiintaasi ayaa la doonayaa in lagu dhammeeyo sidii loo soo magacaabi lahaa guddoomiye iyo ku xigeennadiisa oo cusub kuwaasi oo ka imaanaya magacaabistooda dhanka madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Dadka reer Garbaahaareey iyo qaar kamid ah degmooyinka kale ee gobolka Gedo ayaa waxa laga diidanyahay maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe waana tan keentay in guddi wasiirro ah loo magacaabo Garbahaareey maadaama lagu qabanayo doorashada 16 xildhibaan oo federaal ah kana mid noqonaya golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Caqabadaha ugu waa weyn ee hareeyay doorashada Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah arrinta gobolka Gedo, sidoo kalena ay ku kala aragti duwanaadeen maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waana xiisad weli taagan.

Qodobada kasoo baxay shirkii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira iyo gobolka banaadir ay ku yeesheen magaalada muqdisho ayaa waxaa kamid ahaa in la xaliyo xiisadda gobolka Gedo iyo doorashada xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee ka imaanaya gobolada waqooyi ee soomaaliland maadaama ay ahaayeen dhumuc hortaagan qabashada hannaanka doorshada federaalka ah ee soomaaliya islamarkaana dhowr-jeer ay soo laa laabatay arrintaasi.

Si xal looga gaaro qaar kamid ah caqabadaha hortaagnaa doorashada Soomaaliya ayaa waxaa gaaray maalma ka hor magaalada Garbahaareey ra’iislu wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble isaga oo kulan la qaatay markii dambe waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada waxaana maalmaha soo aaddan loo magacaabi doonaa maamul cusub kaddib shirka dib u heshiisiinta.

Waxaana xusid mudan waqtiga lagu ballamay in lagu qabto doorashada guud ee dalka ayaa gabogabo maraya waxaana la ogeyn in doorashada madaxweynaha ay ku dhici karto 10ka October. 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post