777 Views

Dalal ay Soomaaliya ku jirto oo safka hore ka galay musuq maasuqa dhaqaalaha Covid-19

Dalal ay Soomaaliya ku jirto oo safka hore ka galay musuq maasuqa dhaqaalaha Covid-19
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 07 2020—Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa shaacisay in dalal dhowr ah ay safka hore ka galeen musuq maasuq lagu sameeyay dhaqaalihii loogu talo galay la dagaalanka Cudurka Coronavirus.

Dalalka ay Hay’adda tilmaamtay ayaa waxaa ay kala yihiin, Soomaaliya, Uganda, Kenya, Zimbabwe,iyo Nigeria, kuwaas oo lagu tilmaamay inay safka hore kaga jiraan musuqmaasuq lagu sameeyay lacagaha Covid-19 ee Caalamka ugu deeqay.

Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in musuq maasuq lagu sameeyay qalabka badqebka shaqaalaha caafimaadka uu u dhigmo in qof la dilay oo kale.

“Nooc kasta oo la xiriira musuq maasuq ma ahan mid la aqbali karo ,waxaana qabaa ani ahaan in musuqmaasuqa la xiriira qalabka badqabka shaqaalaha Caafimaadka uu la mid yahay dil, waayo hadii ay Shaqaalaha Shaqeyaan Qalab la’aan waxaa qatar la geliyay naftooda iyo tan dadka kale ayuu yiri” Dr Ghebreyesus.

Ugu dambeyn Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxaa ay shaacisay in ilaa iyo hadda la ogaaday in lacagaha loogu talo galay la dagaalanka COVID19 ee la musuq maasuqay ay kor u dhaafeen balaayiin doollar.

Warkan kasoo baxay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Maxkamadda Gobolka Banaadir ay xukun ku riday Agaasimeyaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo lagu helay falal la xiriira musuq maasuq.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post