546 Views

Madaxweyne Farmaajo oo aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Sacuudiga

Madaxweyne Farmaajo oo aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Sacuudiga
____________________________________________________________________________


arbaco: January 19, 2022

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo Safiirka Cusub ee Boqortooyada Sacuudiga Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mowallad.

Danjiraha ayaa sheegay in dadaal uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliya uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.

Munaasabaddan uu Madaxweynuhu kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo Danjire Axmed Bin Maxamed, ayaa waxa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo Agaasimaha Arrimaha Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mustafa Aadam Dagaal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post