600 Views

Cabaas cali Ibraahim oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisu yahay Hop-111

Cabaas cali Ibraahim  oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisu yahay Hop-111
____________________________________________________________________________


Axad: January 23, 2022

Kursiga Hop-111 oo maanta Doorashadiisa lagu qabtay magaalada kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah maamulka Jubbaland ayaa waxa ku guuleystay Cabaas cali Ibraahim oo haatan kamid ah labada gole ee dowlad goboleedka jubbaland.

Cabaas cali Ibraahim ayaa ah wasiirka wasaarada kalluumaysiga jubbaland isagoona helay codod dhan 79cod Halka musharaxa kale ee la tartamayay uu helay codod dhan 17cod  Ergada codaysay ayaa iyana waxa ay ahaayeen 98, waxaana halaabay 2cod.

Kursigan waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyay Maxamed nuur iftiin Shambara oo mar soo noqday Wasiirka wasaarada qorsheynta jubbaland sanadii 2013ka ilaa iyo sanadkii 2016.

Cabaas cali Ibraahim oo ah xildhibaanka kursigaan ku guulaystay ayaa ku dhashay deegaanka kamsuuma oo 90km dhinaca waqooyi ka xiga magaalada kismaayo sanadkii 1973dii

Majirin tartan adag oo kursigaan dhexmaray tartamayaasha kursigaan

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post