333 Views

Marak dagaalka Mareykanka ee Markabka USS Ronald Reagan oo u dhaqaaqay dhinaca Taiwan

Marak dagaalka Mareykanka ee Markabka USS Ronald Reagan  oo u dhaqaaqay dhinaca Taiwan
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 4, 2022

Taliska Ciidamada Badda ee Mareykanka ayaa sheegay in markabka diyaaradaha xambaarsan ee lagu magacaabo USS Ronald Reagan uu ku wajahan yahay biyaha dhinaca koonfur-bari ee Taiwan.

“Markabka USS Ronald Reagan iyo kooxdiisa weerarrada fuliya waxay ka shaqaynayaan badda Philippine, waxayna wadaan howlahooda caadiga ah. Waxaa qorshaha ugu jira howlgallo qayb ka ah roondada caadiga u ah markabkan oo uu ku taageero sidii xor looga dhigi lahaa ayna u furnaan lahaayeen biyaha Indo-Pacific,” ayaa lagu yiri war uu maanta soo saaray afhayeenka ciidanka badda ee Mareykanka.

Arrintan ayaa kusoo aadday xilli maanta uu Shiinaha howlgal dhoollatus militeri ah ka billaabay biyaha ku hareereysan Taiwan, oo saaxiib dhow la ah Mareykanka.

Labada dal ee quwadaha waawayn ayaa marar badan hanjabaado isugu jeediyay arrinta la xiriirta Taiwan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post