993 Views

Dagaal ka socda isgoyska Banaadir una dhaxeeyaa Ciidamo uu wato Col Liibaan Madaxweyne iyo Ciidamo Booliis ah.

Dagaal ka socda  isgoyska Banaadir  una  dhaxeeyaa Ciidamo uu wato Col Liibaan Madaxweyne iyo Ciidamo Booliis ah.
____________________________________________________________________________


khamiis: September 16, 2021

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saakay aroor hore uu ka dhacay Dagaa culus oo u dhaxeeya ciidamo katirsan booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo ciidamo Militari ah.

Dagalkan ayaa ka socda isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. Waxa uuna u dhaxeeyaa Ciidamo uu wato Col Liibaan Madaxweyne iyo Ciidamo Booliis ah.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu salka ku hayo muran dhulka ah oo muddooyinkii ugu dambeeyay taagnaa.

Labadan ciidan ee dagaalamaya ayaa isku adeegsanaya hubka fudud iyo kan culus, iyada oo dhawaaqa rasaasta ay isku adeegsanayaan laga maqlayo xaafadaha ku hareereysan halka dagaalka uu ka soconayo.

Sidoo kale Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan soconaya agagaarka isgooska Banaadir.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post