990 Views

ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Jubaland oo goor dhawayd ka soo dagay Garoonka Muqdisho..

ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Jubaland oo goor dhawayd ka soo dagay Garoonka Muqdisho..
____________________________________________________________________________

Wararka ka imaanaya garoonka Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhawayd ay soo dagtay Diyaarad siday ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland  Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo aad ugu hubeysan Hubka Fuduid Nuucyadiisa kala duwan.

 Ciidankaan ayaa ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Ayaga oo garwaaxsan Hubka Fudud sida Qoryaha Daraandooriga u dhaco oo uu ugu wayn yahay Dabajeexa.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan oo aad u habeysan ay  wataan  illaa saddex Cabdi Bile oo loo sii diyaariyey, waana ilaalada gaarka ah ee Axmed Madoobe.

Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa inuu Muqdisho soo gaaro Axmed Madoobe, iyada oo soo dhoweyntiisa laga dareemayo garoonka Aadan Cadde.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post