636 Views

Lauren Black “ Instagram 13 saacadood oo xiriir ah baan taleefoonka daawanayay

Lauren Black  “ Instagram  13 saacadood oo xiriir ah baan taleefoonka daawanayay
____________________________________________________________________________

Sabti: February 12, 2022

Sidii ay Lauren Black ay u heshay in ka badan 100,000 taageere Instagram, waxay dareentay in cadaadiska uu ku soo kordhay.

“Aad ayaan u walwalsanahay sababtoo ah maalin kasta waxaan ku qasbanahay inaan ka farxiyo kumanaan qof oo kale,” ayay tidhi.

“Waxaan isticmaalayey Instagram mar walba, wakhtiga shaashada aan ku bixiyey wuxuu gaadhaa 13 saacadood maalintii, waxayna ahayd wax lagu qoslo.”

Laga soo bilaabo markii ay soo toostay illaa markay seexatay, 26-jirkan waxay baadhbaadhaysay aaladdan, iyada ku bixisay wakht fara badan, waaxaana ay ‘Like’ u saaraysay dhammaan dadka kale.

Waxaan doonayey in aa isbeddel sameeyo, waxa aanan doonayey in aan helo taageerayaal badan” ayay raacisay.

Qaybyta dukumeentiyada ee BBC Three ayaa baadhay Saamaynta Instagram uu ku yeeshay dadka sida Lauren – iyo sidoo kale iyaga oo la hadlay shaqaalihii hore ee Instagram iyo Facebook – si ay u sharxaan sida barnaamijyadani ay saameeynayaan isticmaaleyaashooda.

“Markaan dib u eego sawiradaydaa, waxaad ka dhex arki kartaa in aan xanuunsanahay”

Markii Lauren ay waqti badan ku qaadatay boggan, cunno xumadeeda ayaa ka sii dartay.

Lauren waxa ay dareentay in ay ku soo shaac baxday waxyaabo waxyeello leh, xilli ay ku x

idhan tahay akoonno gudbinaya farriimo anshax xumo ah.

Lauren, waxa kale oo ay sheegtay in baahideedii cunto cunistu ay yaraatay, iyada oo xilliyo kooban uun bilawday in ay wax cunto, weliba xaddi aad u yar.

Waxaana ay ku eedeysay cunto xumida soo foodsaartay wakhtigii badnaa ee ay gelisay aaladdan

“Xilliyada waan is diidsiiyaa anoo gaajaysan” ayay tidhi Lauren.

Shaqsiyaadkii hore ee ka tirsnaan jirey Facebook iyo Instagram ayaa isku raacay in app-ku uu ka qayb qaatay cadaadiskasaaran isticmaalyaashooda.

“Caqabadan ka dhigista in Instagram-ka in qofku dareemo cadaadis yar waa mid aad u adag, haddii aysanba macquul ahayn,” ayuu yiri Greg Hochmuth, mid ka mid ah injineerradii ugu horreeyay ee Instagram, isagoo ku daray inuu dareemay isbedel markii Facebook uu iibsaday Instagram 2012.

Hannah Ray, maareeyihii hore ee Instagram, ayaa sheegtay in ay aragtay dadka caadiga ah oo isku eryanaya in ay kiciyaan boggooda Instagram sababtoo ah waxa ay rabaan in ay caan ka noqdaan Instagram, halka qaar kalena ay ka walaacsan yihiin inay ku waayi doonaan shaqooyin ay heli lahaayeen, sababtoo ah tirada dadka raacsan oo hooseeya.

Khatarta ku gedaaman

Isticmaalka badan ee baraha bulshada wuxuu dhaawac u geysanayaa maskaxda dhalinyarada, sida lagu ogaaday daraasad cusub oo lasoo saaray.

Cilmi baadhis ay sameysay hayadda waxbarashada iyo fayo-dhowrka ayaa diiradda lagu saaray barbaarta dhigata iskuullada hoose dhexe, sida ay ula falgalaan baraha bulshada

Wiilashada iyo gabdhahaba waxyeello caafimaad way kasoo gaartaa marka ay da’dooda tahay 14 sano, laakiin gabdhaha ayaa markaas kaddib ay shaqada maskaxdooda hoos u sii dhacdaa, sida ay daraasaddu ogaatay.

Waxay khubaradu sheegeen in qodob kale oo halistaas caafimaad sii xoojinaya uu yahay jimicsi la’aan – gaar ahaan xilligan lagu jiro cudurka safmarka ah oo dhaqdhaqaaqyada ay yaryihiin.

Daraasaddan ayaa sidoo kale sharraxday in:

Caafimaadka maskaxeed ee wiilasha iyo gabdhaha labaduba wuxuu hoos u dhacaa marka ay qaan gaar yihiin, halka gabdhuhu ay aad u sii daran yihiin, sida ay daraasaddu sheegtay.

Hase yeeshee cilmi baaristu waxay sheegtay in gabdhaha ay kalsoonidooda fiicnaato marka ay ku dhawaadaan 20 jir, laakiin wiilashu ay wali ku sii jiraan xaaladdaas.

‘Nafis ka raadin ama wehel’

Isticmaalka badan ee baraha bulshada ayaa horay lool xiriiriyay dhibaatooyin dhinaca caafimaadka ah oo soo wajaha dadka, iyadoo aan loo eegeynin da’dooda ama heerka maskaxdooda. Balse gabdhaha ayaa horay loo sheegay in ay kala kulmaan walwal iyo rajo la’aan.

“Kuwa ay xaaladdoodu kasii darto waxaa laga yaabaa in ay baraha bulshada u galaan si ay ugu nafisaan ama wehel uga helaan,” ayey tidhi Dr Amy Orben, oo cilmi baarista ka sameysa jaamacadda Cambridge.

Daraasaddan waxay natiijadeeda u cuskatay xog laga aruuriyay 5,000 oo qof oo ku nool England.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post