999 Views

Tababaraha kooxda Ingiriiska oo ku booriyey ciyaaryahanada kooxdiisa

Tababaraha kooxda Ingiriiska oo ku booriyey ciyaaryahanada kooxdiisa
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 7, 2021

Tababaraha kooxda Ingiriiska, Gareth Southgate, ayaa ku booriyey ciyaaryahanada kooxdiisa iney sameeyeen arrin taariikhi ah, taasoo ah iney ka adkaadaan kooxda Denmarka , si ay u gaaraan ciyaarta kama danbeysta ah ee tartanka kooxaha kubadda ee qaramada Yurub markii uggu horeysay.

Ingiriiska ayaa foodda daraya Denmark, ciyaarta afar dhamaadka, halkaasoo ay xaadir yihiin taageerayaal gaaraya illaa iyo 60,000 garoonka Wembley, haddii ay u suura gasho iney gaaraan ciyaarta kama danbeysta ah, waxey noqon doontaa tartan weyn kii uggu horeeyey ee ay Ingiriisku xaqiijiyaan illaa iyo 1966-dii.

Soutgate, oo ah tababaraha laylinaya sanadka kooxda Ingiriiska, ayaa sheegay in kooxda dalkiisa aaney laheyn taariikh wanaagsan oo dhanka kubadda cagta ah, inkastoo uu tilmaamey iney leeyihiin ciyaartoydiisa isku kalsooni.

Markii uggu danbeysay ee ay kooxda Ingiriiska ka gaarto ciyaarta ka danbeysta tartan caalami ah, waxey aheyd konton iyo shan sano kahor, markaasoo ay ku guuleysteen koobka kubadda cagta ee adduunka.

Laakiin markaa kadib, masoo dhaafin heerka afar dhamaadka ee ciyaaraha qaramada Yurub. Waxey ka qeyb qaateen afar ciyaar dhamaad oo tartan heer qaran ah oo Yurub iyo adduunkaba ah.

Laakiin hal heer oo ciyaaraha afar dhamaadka ayey kasoo gudbeen, dabadeedna waxey ku guuleysteen koobka kubadda cagta dunida si toos ah, iyadoo ku beegneyd sanadkii 1966-dii.

Sanadkii 2018-dii koobkii kubadda cagta adduunka, waxey gaareen afar dhamaadka, iyagoo ay reebtay kooxdii Ingiriiska kooxdii ka socotey dalka Croatia.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post