447 Views

Kooxda Al-Shabaab oo deegaan u dhexeeya Maxaas iyo Wabxo si naxariis darro ah ugu laayay xoolo ay lahaayeen dadka reer guuraaga ah

Kooxda  Al-Shabaab oo  deegaan u dhexeeya Maxaas iyo Wabxo si naxariis darro ah ugu laayay xoolo ay lahaayeen dadka reer guuraaga ah
____________________________________________________________________________

 Khamiis: January 12- 2023 

Kooxda  Al-Shabaab ayaa deegaan u dhexeeya Maxaas iyo Wabxo si naxariis darro ah ugu laayay xoolo ay lahaayeen dadka reer guuraaga ah ee deegaankaas.

Kooxda Arxanka daran ee Khawaarijta ayaa in ka badan 300 Neef oo Ari ah ku xasuuqday deegaankaan, taas oo ay aad ula yaabeen dadka xoolahaas iska lahaa, waxaana sababta ay sidaas u sameysay lagu sheegay isku day weerar ay qorsheysay oo laga war helay

Qof deegaanka ah oo aan la hadalnay ayaan ka soo xiganeynaa “Waxay nagu dheheen xoolahaan dadka iska leh waa Ridoobeen, waana in la laayo iyaga iyo maalkooda, marka ilaahay waa naga badbaadiyay, laakiin xoolo nooma harin.”

Sida ay Ogaatay Warbaahinta Gudaha, kooxda ayaa qorsheyneysay in ay weerarto Ciidanka deegaanka oo ku sugnaa deegaanada u dhexeeya Maxaas iyo Wabxo, waxaase ilaahay fashiliyay isku daygoodii, waana laga war helay, taas ayaa u cuntami weysay ka dibna waxaa ay si ku tala gal ah u laysay xoolihii shacabka.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post