882 Views

Dadka lagu arkay Caalamadaha Caronavirus oo kusoo badanayo deegaannada Galmudug

Dadka lagu arkay Caalamadaha Caronavirus oo kusoo badanayo deegaannada Galmudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 1, 2020–Waxaa sii kordhaya tirada dadka lagu arkayo caalamadaha Caronavirus sida ay sheegtay wasaarada caafimaadka Galmudug Waxaana Ilaa 54 sambal oo laga qaaday dad lagu arkay caalamadaha caabuqa COVID19 ayaa Wasaarada caafimaadka Galmudug shalay galinkii danbe u dirtay magaalada Muqdisho si baaritaano loogu soo sameeyo.

Isku duwaha wasaarada caafimaadka Galmudug Gobalka Mudug Cabdi Maxamuud Xirsi ayaa sheegay in ay sii kordhayaan xaaladaha dadka la xaqiijiyay in ay qabaan caabuqa karoona Isagoona xusay ilaa iyo hadda in tirada guud ay gaareeyso 15 ruux.

Sidoo kale isku duwaha ayaa sheegay in ay dad badan da’doodu ay aad u weyn tahay ay maalmihii u danbeeyay ay ku geeriyoodeen Gobolka inkastoo aan la xaqiijin karin in ay sababsadeen cudurka caronavirus.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment