894 Views

Yuusuf Dabageed oo isbitaalka ku booqday sarkaal ku dhaawacmay dagaalkii Beledweyne

Yuusuf Dabageed oo isbitaalka ku booqday sarkaal ku dhaawacmay dagaalkii Beledweyne
____________________________________________________________________________

khamiis: January 6, 2022

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta kormeer ku sameeyay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Beledweyne.

Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa booqday Isbitaalka Al Rahma, oo lagu dabiibayo Xasan Tarsad oo kamid ahaa saraakiisha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka Xooga Dalka oo dhowaan ku dhaawacmay shaqaaqooyin ka dhacay magaalada Beledweyne.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Alle uga baryay bukaanada ku jira Isbitaalka in Alle caafimaad deg deg ah siiyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post