924 Views

Talyaaniga oo dadkii ugu badnaa ka daadgureeyay Afghanistan

Talyaaniga oo dadkii ugu badnaa ka daadgureeyay Afghanistan
____________________________________________________________________________


Sabti: August 28, 2021

Talyaaniga ayaa maanta 5,000 oo qof oo u dhalatay Afghanistan ka daadgureeyay garoonka diyaaradaha ee Kabul.

Waana tiradii ugu badneyd oo dal ka tirsan Yurub uu ka daadgureeyo Afghanistan, sida ay dowladda sheegtay.

Waxaa jira ifafaallooyin muujinaya in hawlgalkii degdegga ahaa ee lagu daadguraynayey shacabka Afghanistan ee ka baxaya garonka Kabul oo ku dhaw yahay in uu dhammaado xilli ay jiraan walaacyo cusub oo ku aaddan weerar ka dhaca halkaas.

Maraykanka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan daadguraynta dadka shacabka ah, illaa iyo marka u danbaysa.

Dhanka kalena madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron ayaa ka digay ururka isugu yeera dawladda islaamka ay weli yihiin halis jirta kaddib weerarkii ay ku dhinteen 170-ka qof garoonka diyaaradaha ee Kabul.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post