987 Views

Maxkamada CXDS oo amartay in lasoo qabto kooxihii shacabka ku dilay Galgaduud

Maxkamada CXDS oo amartay in lasoo qabto kooxihii shacabka ku dilay Galgaduud
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | January 15, 2021
—Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ee darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku amray ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan Galmudug in ay gacanta kusoo dhigaan kooxaha dilalka ka geysta gobolka Galgaduud.

Gudoomiyaha ayaa amar ku bixiyay in lasoo qabto oo caddaaladda la horkeeno kooxihii ka dambeeyay dilkii dhawaan loogu geystay degaan hoos yimaada degmada Balanbale shan qof oo shacab ah.

Waxaa uu tilmaamay in sidoo kale lasoo qabto kooxihii dilay lix sarkaal oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

Gudoomiyaha ayaa dhanka kale tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay howlgalin doonto ciidamo gaar ah oo loogu tala galay in ay la shaqeeyan Maxkamaddaha si loo soo qabto dambilayaasha.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post