1206 Views

Rooble oo caawa kulan casho iyo iswareysi ah u sameeyay madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada

Rooble oo caawa kulan casho iyo iswareysi ah u sameeyay madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada
____________________________________________________________________________

May 20 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan casho iyo iswareysi ah u sameeyay madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada  Galmudug, Jubaland Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Xubnahan oo Muqdisho ku sugan ayaa soo gaaray saacadihii lasoo dhaafay, waxaana weli imaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada HirShabeelle iyo Puntland.

Kulanka cashada ahaa ee Ra’iisul Wasaaruhu u sameeyay madaxdan, ayaa imaanaya iyadoo la filayo in uu Muqdisho si rasmi ah uga furmo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee xalka loogu raadinayo khilaafka doorashooyinka.

Kulankan ayaa caawa ka dhacay Hotelka Decale oo u dhaw garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, maadaama uu Xalane degay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Sidoo kale waxaa la filayaa in ay berri Muqdisho soo gaaraan madaxweynayaasha Puntland iyo HirShabeelle oo haatan ku maqan deegaanadooda.

Maalinka Sabtida ee 22-ka bishan ayaa lagu wadaa in shirku uu ka furmo teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Xalane, maadaama ay berri tahay Jimco, isla markaana aysan weli Muqdisho soo gaarin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo HirShabeelle.

Khamiistii maanta ee 20-kii May ayey balantu aheyd in shirkaasi uu ka furmo magaalada Muqdisho, balse xukuumadda ayaa sheegtay in dib u dhacaan uu ku yimid arrimo farsamo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post