828 Views

“Halagu garab-istaago Shaqada Hortaalla Maxamed Xuseen Rooble!” Axmed Madoobe.

“Halagu garab-istaago Shaqada Hortaalla Maxamed Xuseen Rooble!” Axmed Madoobe.
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 18 2020
—Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo sugaya codka kalsoonida Golaha Shacabka BFS.

Axmed Madoobe oo ahaa hoggaamiye ku doodayay magacaabista Booska Xasan Cali Khayre si loo helo xukuumad ka shaqeysa in dalka ay ka dhacdo Doorashada xil wareegga afarta sanadiiba mar la qabto.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Axmed Madoobe oo noqday Madaxweynii ugu horeeyay Dowlad Goboleedyada oo ka hadlay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in la garabsiiyo Maxamed Xuseen Rooble.

“Waan Soo dhaweynayaa magacaabida Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Waxa aan Alle uga baryayaa in Ra’iisul Wasaaraha Cusub uu la garab galo shaqada Culus ee hortaala xiligan kala guurka ah oo dalka ay tahay in ay ka dhacdo Doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxa uu shacabka ka dalbaday in ay wada shaqeyn iyo kalsooni wanaagsan u muujiyaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo howlaha ugu weyn ee laga sugayo ugu weyn yihiin Amniga, Doorashada iyo howlaha kala guurka.

“Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqayaa in ay ku gacan siiyaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub shaqada adag ee hortaala si looga dhabeeyo himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan isla marakan uu shaqadiisa uga soo dhalaalo sida ugu wanaagsna” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Madaxweynaha DG Jubbaland.

Maxamed Xuseen Rooble oo ah Aqoonyahan waxaa Golaha Shacabka horgeynaya Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xilkaan u magacaabay kadib 53-cishe oo laga sugayay buuxinta Booska Wasiirka koowaad ee dalka oo banaanaa tan iyo 25-kii July 2020.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post