549 Views

Akhriso Heshiiska Kenya iyo Soomaaliya ee isdhaafsiga Khatka iyo Kalluunka

Akhriso Heshiiska Kenya iyo Soomaaliya ee isdhaafsiga Khatka iyo Kalluunka
____________________________________________________________________________

Sabti: July 16, 2022

Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa kala saxiixdey heshiis ka kooban 11 qodob, kaas oo ay ugu muhimsan tahay in Kenya loo oggolaadey in ay Khatka Miraa u soo dhoofiso Soomaaliya, halka Soomaaliya ay u dhoofin doonto Kenya Kalluun, heshiiskan laguma soo qaadin go’aankii Maxkamadda Caddaaladda ee Adduunka ee Soomaaliya badda lo xukumey laakiin Uhuru uu diidey.

Hoos ka akhri isaga oo tarjuman:

  1. Waxaa labada dhinac ku nuux-nuuxsadeen muhiimadda ay leedahay xiriirka laba dhinac ah, isku xirnaanta dhaqanka iyo masiirka wadaagga ah ee ka dhexeeya shacabka Kenya iyo shacabka Soomaaliyeed, kaasoo lagu qeexay rabitaan wadajir ah, nabad, xasillooni, barwaaqo iyo ixtiraamida madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Kenya iyo Soomaaliya labaduba.
  2. Waxa ay dib u xaqiijiyeen in labada dhinac ay ka go’an tahay in ay ka wada shaqeeyaan dhinacyada danta u ah labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal.
  3. Si taas loo gaaro, labada Madaxweyne waxay mar kale ballan-qaadeen la-dagaalanka argagixisada, si guulo loo gaaro waxay fareen hay’adaha ammaanka ee labada dal inay isku dubbaridaan dadaalkooda ku aaddan dagaalka lagu sugayo amniga iyo ilaalinta muwaadiniinta labada dal, iyadoo sare loo qaadayo dagaalka lagula jiro argagixisada.
  4. Waxaa lagu heshiiyey in Kenya iyo Soomaaliya ay iskaashi la sameeyaan hay’adaha kale ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo fududeeyo gargaarka bini’aadantinimo ee aadka loogu baahan yahay si loo yareeyo saameynta abaarta hadda ka jirta gobolka Geeska Afrika.
  5. Waxaa kaloo la isku afgartay in Duulimaadyada Kenya Airways (KA) ee Muqdisho si deg deg ah dib u bilaabaan iyadoo lagu salaynayo heshiiska Adeegga Hawada ee labada dal (BASA). BASA waxa dib u eegis ku sameyn doona Masuuliyiinta ay khusayso.
  6. Intaa ka dib, si loo fududeeyo. kala-duwanaanshaha iyo horumarinta iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee labada dal. Wuxuu UHURU amrey in si degdeg ah suuqooda loo keeni karo kalluunka iyo wax soo saarka kaluunka Soomaaliya iyo cagsigeeda, (vice versa), sidoo kale waxaa labada dhinac ku heshiiyeen dib u soo celinta ganacsigii Qaadka (miraa) ee Kenya iyo Soomaaliya, inuu si degdeg ah u bilaabo.
  7. Waxa kale oo uu faray hay’adaha ay khusayso in ay fuliyaan bixinta fiisa sharafeed bilaashka ah, marka ay yimaadaan, mudanayaasha Xildhibaanada, Senatarada iyo Diblomaasiyiinta haysta Baasaboorka Diblomaasiga ah iyo qraal ka socda Wasaaradaha Arrimaha Dibadda. Dadka sita Baasaboorka Soomaaliga ah. Fiisooyinka xurmadda ee bilaashka ah marka ay yimaadaan waxaa lagu soo saari doonaa afartan -Sideed (48) saacadood gudahood, ka dib marka la dhammeeyo Codsiga Dal-ku-galka Online-ka ah oo ay la socoto Note ka socota Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
  8. Waxa kale oo hoosta laga xariiqey baahida loo qabo in loo habeeyo fiisaha dadka sita baasaboorka caadiga ah sida ugu dhaqsaha badan, gaar ahaan toban (10) maalmood gudahood.
  9. Waxaa lagu heshiiyey in la furo xuduuda labada dal si loo fududeeyo isu socodka dadka, korna loogu qaado ganacsiga badeecadaha iyo adeegyada.
  10. Waxaa la faray in Guddiga Wadajirka ah ee Howlgalka (JCC) ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya la isugu yeero Muqdisho Ogosto 2022 si looga wadahadlo loogana wada hadlo arrimaha khuseeya labada dal, sida howlaha amniga ee wadajirka ah, difaaca, beeraha, ganacsiga, isdhaafsiga sirdoonka, caafimaadka, waxbarashada, tababarka dhinacyo kala duwan, iyo dib u eegista joogtada ah ee nidaamka fiisaha.
  11. Waxay amreen Wasaaradaha Ciidanka Xoogga Dalka inay xaqiijiyaan dhaqangelinta qodobbadii ay labada Madaxweyne ku heshiiyeen muddo laba (2) toddobaad gudahood ah oo ka bilaabmaysa taariikhda War-murtiyeedka Wadajirka ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post