930 Views

RW Kheyre oo la kulmay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Qatar

RW Kheyre oo la kulmay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Qatar
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 30. 2020–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Dooxa ee Qatar ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalkasi.

Sidda uu sheegay Ra’iisul Wasaare Kheyre labadda dhinac ayaa ka wada hadlay Ammaanka iyo Sare u qaadidda Dhaqaallaha.

“Sharaf ayey ii ahayd in kulan miro dhal ah aan magaalada #Dooxa kula qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal, iskaadhiga dhaqaalaha iyo aminga” ayuu yii Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa taageerada dowladda Qatar ay siiso Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post