1278 Views

Muhaajiriin laga soo badbaadiyay xeebaha dalka Libya

Muhaajiriin laga soo badbaadiyay xeebaha dalka Libya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 24, 2019–Wararka ka imanaya dalka Libya ayaa sheegaya in ciidamada ilaalada xeebaha dalka Libya ay badbaadiyeen illaa 290 muhaajiriin oo la socday laba dooni,ka dib howlgallo ay ka fuluyeen ciidamadaasi agagaarka caasimadda Tripoli.

 

Afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada badda ee Libya Ayoub Qassem ayaa sheegay in mid ka mid ah howlgaladaasi ay ku badbadiyeen 87-ruux,halka dooni yar oo labaad ay sidoo kale ay ka soo badbaadiyeen 203 ruux.

 

“Labada doon mid kamid ah waxa aan ku qabanay xeebaha magaalada Qarabuli oo 50 km bari kaga began Tripoli,halka tan labaad lagu qabtay Zlitin oo 160 km Bari kaga brrgan caasimadda.”ayuu yiri afhayeenka oo u waramayay warbaahinta.

 

Dadka la badbaadiyay ayaa 7 kamid ah waxa ay ahaayeen carruur iyo haween iyadoo dadkana ay ka soo kala jeedeen dalal carab ah iyo wadamo kale oo ku yaal qaarada Afrika.

 

Tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 2017-kii oo ah markii Talyaaniga ay heshiis la galeen Madaxda Libya,waxaa kordhay howlgalada lagu qabqabanaayo dadka tahriibayaalka ah ee doonaya in ay u safraan dalalka Yurub.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment