915 Views

Dowladda Soomaaliya oo lagu wareejiyay Gaadiid Gaashaaman

Dowladda Soomaaliya oo lagu wareejiyay Gaadiid Gaashaaman
____________________________________________________________________________

RMoqdisho,August 15, 2021 —Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliska Xoogga Dalka ayaa Maanta dowladda turkiga waxaa ay ku wareejisay Gaadiid dagaal iyo Agab kale.

Gaadiidkaan oo ah nooca kuwa Gaashaan ayaa waxaa loogu talo galay inay ku howlgalaan Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gorgor, kuwaas oo dagaal adag kula jira Al-Shabaab.

Munaasabadda wareejinta ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan  Wasaaradda Gaashandhigga iyo taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, iyaga oo dowladda turkiga uga mahad celiyay gaadiidkaan lagu wareejiyay.

Mas’uuliyiinta ka socday dowladda Turkiga ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in Gaadiidkaan loogu talo galay inay ku Shaqeeyan Ciidanka Kumaandooska Gorgor, isla markaana uga qyeb qaataan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana ay u tababartay Ciidamo farabadan, sidoo kale dhowr jeer ay siisay Soomaaliya Gaaadiid iyo hub farabadam.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post