1260 Views

Al- Casdaala “Ciidanka ayaa loo adeegsanayaa sumcad dilka Rooble

Al- Casdaala “Ciidanka ayaa loo adeegsanayaa sumcad dilka Rooble
____________________________________________________________________________



Axad: December 26, 2021

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta ayaa uga digay ciidamada inay ku milmaan siyaasada isla markaana loo adeegsado inin lagu dhiirado sumcad dilka Ra’iisul Wasaaraha.

Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al- Cadaalla oo shir ku qabtay magaaalda Muqdisho ayaa sheegay in tilaabo laga qaadi doono cid walba oo ku kacdo arrimo aan sharci ahayn.

”Sarkaal walba oo isku daya in uu ku dhax milmo arrimaha siyaasadda ee dalka iskuna daya in uu xafiis gaar ah ugu adeego awooddiisa sarkaalnimo waxaa lagu qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan” ayuu yiri Alcadaala.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa sheegay in hayaan cadeymo la xiriira abaabul ka dhan ah ra’iisul wasaaraha taasoo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo doorashada, bale ma uusan sheegin caddeeymahaasi waxa ay yihiin.

Arrintan waxay ka dambeysay markii Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliya, Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, ayaa magacaabay guddi soo baara eedayn uu taliyaha Ciidammada Badda Soomaaliya, Cabdixamiid Maxamed Dirir, u jeediyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Bayaanka Odawaa ayaa qeexaya in guddiga uu qabtay ee ka kooban shanta sarkaal ee sarsare ee ka tirsan ciidammada xoogga dalka ay si hufan u baaraan sarkaalka iyo eedaaha uu soo jeediyayba.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post