825 Views

Somalida Minnesota oo soo dhawaysay Xukunka Derek Chauvin oo ah Askarigii dilay Goerge Floyd

Somalida Minnesota  oo soo dhawaysay Xukunka  Derek Chauvin oo ah Askarigii dilay Goerge Floyd
____________________________________________________________________________

April 21-2021

Qaar kamid ah hoggaanka Bulshada Soomaalida Mareykanka oo goobjoog u ahaa dacwadda ka dhanka ah Derek Chauvin oo ah Askarigii dilay Goerge Floyd ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda ay ka qaadatay dhageysiga kiiskaan.

Jaylaani Xuseen oo ah Madaxa Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka ee Minnesota ayaa arrintaan ku tilmaamay mid wax ka qabaneysa dhibaatooyinka loo geysto ee aan dabagalka lagu sameyn xiliyada dhacdooyinkaas dhacaan.

Waxa aan helnay wixii ay filayeen Bulshada Mareykanka oo dhan maadaama lagu helay saddex kiis dambiyeed oo heerar kala duwan, Haddii isbadal uu ka yimid maxkamadda gudaheeda waxaa dhiman in bannaankeeda la keeno si dhibbanayaasha ay u helaan Cadaalad” Sidaasi waxaa yiri Jaylaani Xuseen.

Derek Chauvin waxaa lagu helay Saddex dambi oo dhammaan caddeymo ku filan maxkamadda la geeyay kadib marii muuqaalka isaga oo luqanta jilib uga riixaya Goerge Floyd ku faafay Baraha Bulshada taasi oo keentay carada Dadka Mareykanka sanadkii 2020.

Garsooraha Maxkamadda Degmada Hennepin ayaa baabi’iyay damaanaddii uu bannaanka ku joogay Chauvin, haatan waa ciqaab suge oo siddeed todobaad kadib lagu dhawaaqi doono waxaana loo xiray garba-duub.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post