1965 Views

Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Jowhar oo xaaskiisa dilay

Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Jowhar oo xaaskiisa dilay
____________________________________________________________________________

Nairobi, Nofeembar 27, 2018 –Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar Ibraahin Maxamed Cali (Cali Dheere),uu  xalay Xaafadda Hanti wadaag ku dilay Xaaskiisa oo Xaamilo aheyd.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in haweynda la dilay lagu Magacaabi jiray Jamiilo Sh.Cali Ibraahin oo aheyd xaaska Ibraahin.

Dhowr Xabadood ayaa la sheegay in uu Madaxa kaga dhuftay Xaaskiisa.

Ehelada Marxuumada la dilay ayaa sheegay inay aad uga naxeen falka dilka ah ee loo gaystay gabadhooda oo xaamilo aheyd, uuna dilay ninkii qabay ee ifka ay ka calmatay.

Ciidamada Booliska Magaalada Jowhar ayaa la sheegay inay soo qabteen gacan ku dhiiglaha dilay xaaskiisa, haddana uu ku xiran yahay Magaalada Jowhar, islamarkaana ay faahfaahin ka bixin doonaan sidda ay wax u dhaceen saacaddaha soo socda

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment