456 Views

Faransiiska oo wacad ku maray inuu taageero militari la garab istaagayo Ukraine

Faransiiska oo wacad ku maray inuu taageero militari la garab istaagayo Ukraine
____________________________________________________________________________


Sabti: April 30, 2022

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in Faransiisku uu sare u qaadi doono taageerada milatari iyo tan bini’aadantinimada uu Ukraine u fidinayo, ka dib wadahadal uu la yeeshay Volodymyr Zelensky.

Macron wuxuu ka dhawaajiyey “walaaca xooggan” ee uu ka qabo duqeymaha Ruushka uu ku hayo magaalooyinka Ukraine iyo “xaaladda aan loo dulqaadan karin” ee ka jirta magaalada dekedda leh ee Mariupol.

Maraykanka, Faransiiska iyo xulafada kale ayaa Kyiv ugu deeqay boqollaal madaafiicda riddada dheer si ay uga hortagaan weerarka Moscow ee gobolka Donbas ee bariga Ukraine.

Madaxtooyada Faransiiska ayaa sidoo kale sheegtay in Ukraine u fidineyso gargaar gaarayo “in ka badan 615 tan oo qalab ah, oo ay ku jiraan qalabka caafimaadka, matoorada isbitaallada, gargaarka cuntada, gargaarka hoyga iyo baabuurta gurmadka”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post