1029 Views

Sacuudiga oo la sheegay in uu aqoonsaday baasaboorka Somaliland

Sacuudiga oo la sheegay in uu aqoonsaday baasaboorka Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 23, 2019 –  Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay Warar sheegaya in dowladda Sacuudiga ay aqoonsatay Baasaboorka maamulka Somaliland xilli ay xun tahay maalgashiga dowladda Qatar ay ka bilowday Soomaaliya.

 

Warbaahinrta Caalamka ayaa qortay in loolanka u dhaxeeya Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qatar uu Sababay in dowladda Sacuudiga ay si toos ah u aqoonsato maamulka Somaliland baasaboorka si ay Soomaaliya ugu caddaadiso joojinta xiriirka maalgashi ee dowladda Qatar.

 

Wargayska lagu magacaabo Daily Sabah ee ka soo baxa wadanka Turkiga ayaa maqaal uu qoray waxaa uu isbarbardhig ku sameeyay danaha dawladaha Qadar iyo Sucuudiga ee arrimaha Soomaaliya.

 

Waxaa uu sheegay in kadib markii dawlada qadar ay bilaawday maalgalinta dakadaha dalka, gaar ahaan Dekadda Hobyo uu Sacuudigu aqoonsaday baasaboorka Somaliland, Taas oo u muuqata mid dhaawac ku ah jiritaanka dalka.

 

Labada dal ayuu wargaysku tilmaamayaa in uu aad u wayn yahay danaha ay ka leeyihiin dalka Soomaaliya

 

Somaliland ayaa dhawaan shaacisay in dowladda Sacuudiga ay Muuse Biixi Cabdi  madaxweynaha Somaliland  ay Casuumaad rasmi ah ay u dirtay islamarkaana  uu qeyb-galay xajkii sanadkan.

 

Wargeyska ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Mas’uuliyiintii la socotay ay ku safreen Baasaboorka Somaliland taasoo dowladda Sacuudiga ay sheegtay in ay aqoonsatay.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment